Waxa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka Hotel-ka Maansoor shirkii bil-laha ahaa ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adaha kala shaqeeya wasaaradda dhanka daweynta iyo fidinta adeegyada lagu

Waxa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka Hotel-ka Maansoor shirkii bil-laha ahaa ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adaha kala shaqeeya wasaaradda dhanka daweynta iyo fidinta adeegyada lagula tacaalayo Nafaqo-darrada, iyada oo dhinac waliba ka war-bixiyay hawlaha u qabsoomay iyo hawlaha u qorshaysan Wakhtiga dhow.
Waxa kale oo lagaga doodey sidii kor loogu qaadi lahaa isticmaalka adeegyada la fidiyo, loogana faa’ideysan lahaa fursadaha la haysto iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka wasaaradda iyo dhanka Ha’adaha dawliga ah iyo kuwa maxalliga ahba, gaar ahaanna dhanka xog-is-weydaarsiga iyo wada-shaqaynta joogtada ah, waxaa sidoo kalena lagu kala qaatay war-bixinaha xaaladda abaaraha/roobabka iyo dhacdooyinka u baahan in wax laga wada qabto.
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.