Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Manka Dr.yacquub Aw-aden Cabdi Iyo wafti uu hogaaminayo oo ka socda Wasaradda Horumarinta Caafimaadka oo safar shaqo ugu ambabaxay gobolada beriga Somaliland ayaa gaadhay

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Manka Dr.yacquub Aw-aden Cabdi Iyo wafti uu hogaaminayo oo ka socda Wasaradda Horumarinta Caafimaadka oo safar shaqo ugu ambabaxay gobolada beriga Somaliland ayaa gaadhay magalada Berbera. Agaasimaha iyo waftigiisa ayaa kulan la qaatay isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Saaxil.
Kulankan ayaa ujeedadiisu tahay sidii layskaga xog-waraysan lahaa Xaalada Caafimaadka Manka ee gobolka Saaxil iyo wixii u qabsoomay mudooyinkii u dambeeyay.
Xafiiska warbaahinta ee Wasaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.