Agaasimaha Guud oo Furay Tababaro cusub

Hargaysa-  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta furay tababar loogu talo galay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Caafimaadka gaar ahaan shaqaalaha kaydinta iyo ururinta xogta Caafimaadka ee gobolada dalka wajiiga 1aad.
tababarkan oo ay Wasaaradda iska kaashadeen Hayaddaha Cafimaadka aduunka, Public Health Agency of Sweden iyo Afenet, ayaa waxaa kasoo qayb-galay furitaankisa masuuliin sarsare oo ka kala socotay haayadahaas, qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda, Masuuliinta Xogta Caafimaadka ee gobolada dalka iyo qaar ka mid ah Madaxda gobolada ee qaybta Caafimaadka guud.
ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay qaar ka mid ah Masuuliintii ka socday Haayaddaha kala duwan iyo Wasaaradda, iyagoo dhamaantood hoosta ka xariiqay ahmiyada uu leeyahay tababarkan iyo sida ay muhiimka u tahay in mar walba la sameeyo korna loo qaado aqoonta iyo xirfadda Shaqaalaha Caafimaadka ee dhaman dalka.
dhanka kale waxaa furitaanka tababarkan habka maqal araga fog (Vedio conference) kusoo galay masuuliin ku hadlayay afka hayadda Public Health Agency of Sweden oo qayb-weyn ka ahayd hirgelinta tababarkan wasaaradda kala shaqeeyay, iyagoo dhankooda ka waramay hirgelinta tababarkan iyo waxa uu uga dhigan yahay, sidoo kale waxay xuseen inay marwalba diyaar u yihiin inay tababaradan kor loogu qaaday aqoonta shaqaalaha marwalba kala shaqeeyan wasaaradda.
agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr-Mahamed cabdi xergeeye oo si rasmi ah u furay tababarkan ayaa sheegay inuu tababarkani ka mid yahay dadaalada ay wasaraddu marwalba ugu jirto in la tayeeyo aqoonta shaqaalaha dhamantood,tababarkana uu qaybweyn ka qadan doono dadaaladaas, isagoo u mahadceliyay dhaman hayadaha kala duwan ee wasaradda kala shaqeeyay sidii uu u hirgeli lahaa, agaasimaha ayaa dhanka kale kula dardaarmay shaqalaha tababarkan qaadan doona inay mudada uu socdo ka faa’idaystaan sidoo kalena dib ugu celiyaan goobihii ay ka kala imaadeen.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Abdishakour Mohamed Deria
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL