Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Mr Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa dib dalka ugu soo laabtay kadib markii ay shir caalami ah kaga qayb galeen dalka Senegal

Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Mr Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa dib dalka ugu soo laabtay kadib markii ay shir caalami ah kaga qayb galeen dalka Senegal. Shirkaas oo lagaga arinsanayay sidii kor loogu qaadi lahaa qaybaha qaliinka guud iyo kuwa dumarka Iyo waliba qaybta suuxiyaha xiliyada qaliinka.
Kulankan oo lagu soo marti qaaday 29 ka mid ah wadamada afrika oo ay Somaliland ku jirto ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaar kamid ah wasirada Caafimaadka oo ka socday 29kaa dal ee lagu soo marti qaaday iyo wufuud khuburo ah oo wasiirada dalalkaa kala duwan ay wateen. ayaa lagu lafa gurayay sidii arimahaa qaliimada khuseeya xal waara looga gaadhi lahaa.
Talaabadan ayaa ah mid horumar u leh qaranka Jamhuuriyada Somaliland. Wasararadda Horumarinta Caafimaadkuna waxay mar walba Heegan ugu jirtaa sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada Caafimaadka ee guud ahaan dalka.
Xafiiska warbaahinta ee Wasaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.