Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka JSL Mud: Cumar Cali Cabdilaahi ayaa si balaadhan u faah faahiyay shir maanta uu la yeeshay gudidda farsamo ee kahortaga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka JSL Mud: Cumar Cali Cabdilaahi ayaa si balaadhan u faah faahiyay shir maanta uu la yeeshay gudidda farsamo ee kahortaga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19 ee Wasaradda Horumarinta Caafimaadka.
Wasiirka ayaa sidoo kale bulshada la wadaagay waxyaabihii u qabsoomay sanadkan 2020 ee qorshayaasha qaranka uga aadnaa Horumarinta Caafimaadka iyo sidii loo gaadhsiin lahaa guud ahaan dalka adeega caafimaad oo dhamays tiran. Haday tahay dhismayaasha cusbitaalo, xaaruumo caafimaad, qalabka casri ah, dawo tayo leh, mihnadlayaal caafimaad oo leh aqoon buuxda iyo xirfad caafimaad oo ay bulshada ugu adeegaan iyo horumarinta waxbarashada culuumta caafimaad.
Ugu dambayntii Wasiirka ayaa bulshada uga digay xanuunka Covid-19 oo dunida dib ugu soo laba kacleeyay xiliyadan qaboobaha uguna baaqay in ay u hogaansamaan awaamiirta caafimaad ee kasoo baxaya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee ku aadan sidii ay bulshadu uga foojignaan lahaayen xanuunka Covid-19 oo dalkeena iyo dunidaba khatarbadan ku haya.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL