wasiirka caafimaadka oo safar shaqo ku maraya dhamaan dalka ayaa si balaadhan loogusoo dhaweeyay gobolka Gabiley


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mud: Cumar Cali Cabdilaahi iyo wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku maraya dhamaan dalka ayaa si balaadhan loogusoo dhaweeyay gobolka Gabiley. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda H.cafimaadka JSL ayaa xaruun cafimaad ka dhagax dhigay deegaanka Xushalay Galbeedka G. Gabiley.
Safarkan shaqo oo Wasiirka ku marayo gobalada & degmoyinka dalka ayaa ah mid lagu gaadhsiinayo mashaariic horumarineed oo laga maalgalinayo miisaaniyad sanadeedka Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka JSL.