Daah-Furka Tababor isdba yaala oo kor loogu qaadayo aqoonta Shaqaalaha Caafimaadka

Hargaysa- Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane liiban yuusuf cismaan gaaxnuug ayaa maanta daah-furay Kulan lagu furayay tababaro isdaba yaala oo kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha Caafimaadka ee dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalka oo Wasaaradda ka bilaabi doonto dalka.
Tababaradan oo ay Wasaaradda iska kaashanayaan Hay'addaha WHO, UNICEF, Public Health Agency of Sweden iyo Afenet ayaa waxaa waxaa kasoo qayb-gelay Madashii lagu daah-furayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, qaar ka mid ah agaasime waaxdeedayda kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Isuduwayaasha Caafimaadka ee gobolada dalka, Khuburo kala duwan oo ka socday Haayaddaha WHO, UNICEF, Jaamacadaha dawliga ah ee Hargaysa, Burco, iyo Cammuud, qaar ka mid ah Wasaaraddaha dalka, Shaqaalaha Caafimaad iyo la taliyayaasha kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Axaa ugu horayn hadalka iska daba qaatay khuburo kala duwan oo ka kala socday Haayaddaha, WHO, UNICEF, Public Health Agency of Sweden iyo Afenet
Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Daahir Bahdoon isagoo ka waramay ahmiyadda kulankan.
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye isagoo dhankiisa hoosta ka xariiqay ahmiyadda Daah-furka tababaraddan isdaba yaala ee ay wasaaradda iyo haayaddaha kala duwan ka shaqaynayaan, inay wax weyn ka badali donaan aqoonta iyo xirfadda shaqaalaa Caafimaadka ee gobolada dalka ka hawl gala.
Wasirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Liiban Yuusuf Cismaan gaaxnuug oo si rasmi ah u daah-furay kulankan ayaa dhankiisa sheegay inay ka Wasaaradda ahaan mar walba xooga saarayan sidii loo tayayn lahaa aqoonta Shaqaalaha Caafimaadka.


Wa-bilaahi Tawfiiq
Abdishakour Mohamed
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.