Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco


Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa kormeeray habsami socodka shaqo ee cusbitaalka Burco, dhismayaal cusub oo lagu kordhiyay cusbitaalka guud ee Burco iyo qalab casri ah oo dhawaan lagu wareejiyay cusbitaalka guud ee Burco.
Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Burco oo goobta kahadlay ayaa sheegay in horumarka laga hirgaliyay miisaniyadii Wasaaradda H. Caafimaadka JSL iyo dhaqaalihii Cusbitaalka Burco. Sidoo kale, hiigsiga cusbitaalku uu yahay horumar intaa kasii balaadhan deddaalkeegiina ay hayaan.
Agaasimaha Guud ee W.H.Caafimaadka JSL ayaa maamulka cusbitaalka ku amaanay adeega ay bulshada u hayaan iyo horumarka ay ka sameeyeen adeega caafimaadka iyo dhismayaasha la dhisay.
Agaasimaha ayaa dhanka kale kula dardaarmay sidii loo ilaalin lahaa waxqabadka sidoo kale bulshada loogu adeegi lahaa sidii ugu haboonayd.
Ugu danbeyn, Agaasime Dr. Xergeeye ayaa ka warbixiyay deddaalada joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta JSL ay ugu horumarinta iyo kor uqaadista adeegyada caafimaad ee dalka.